Somali News

Golaha Musharixiinta Jubbaland oo walaac ka muujiyay hadal ka soo baxay Axmed Madoobe

Kismaayo-KNN-War qoraal ah oo ka soo baxay Golaha Musharaxiinta xilka madaxweynaha maamulka Jubaland ee la tartamaya Axmed Madoobe ayaa walaac xoogan ka muujiyay hadal ka soo baxay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, kaasi oo ahaa in ciidamada AMISOM ay hub iyo rasaas siiyaan Al-Shabaab.

Musharixiinta ayaa sheegay in warka Axmed Madoobe ka soo baxay uu isaga qaas u yahay, islamarkaana aysan la qabin golaha Musharixiinta Maamulka Jubbaland.

Sidoo kale Golaha Musharixiinta Jubbaland ayaa waxaa ay Shaaca ka qaadaan in 42 bistoolad loo qeeybiyay 42 nin oo dhar cad ah, kuwaasi oo xaqiijinaya amniga Kismaayo, inkastoo arintaasi ay ka walwalsan yihiin musharixiinta.

Xubnaha  ka tirsan Golaha musharixiintan ayaa waxaa ay sheegeen in qorshaha xulista Barlamaanka Jubbaland uu yahay mid uu wato Madaxweyne Axmed Madoobe,isla markaana uu ku doonayo in dib loo doorto.

Qoraalka oo aad u dheeraa ayaa golaha Musahrixiinta Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen in Axmed Madoobe uu diyaariyay ciidamo isaga u qaas, taasina waxaa ay ku tilmaameen mid sharci daro ah.

Halkan ka Hoose ka Akhriso Warqada oo English