Somali News

Golaha Shacabka oo ansixiyay xeerka maamulka Bankiga dhexe.

Muqdisho-KNN-Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa buuq iyo sawaxan ku ansixiyay xeerka Maamulka Bangiga Dhexe oo wax ka bedel lagu sameeyay.

Ku dhawaad 158 Xildhibaan ayaa ogolaatay, halka 17 mudane ay diideen.

Wax ka bedelka xeerka Bangiga Dhexe gaar ahaan lambarkiisa 130aad ayaa ka dhigan in Bangiga Dhexe uu madax ka noqon karo shaqsi ajnabi ah, kuna imaan doona xeer loo cuskanayo xulida Guddiga Agaasinka Bangiga Dhexe.

Xildhibaano badan ayaa sheegay in dalka loo gacan gelinayo dad shisheeye.

Ugu dambeyn kalfadhiga Golaha shacabka ayaa la soo xiray.