Somali News

Golaha Shacabka oo maanta ansixiyay sharciga Batroolka Dalka

Muqdisho-KNN-Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Jamuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta meel mariyay sharciga batroolka dalka,kaasi oo ay soo gudbisay Xukuumadda Soomaaliya.

Kulanka Golaha ee Maanta ayaa waxaa soo xaadiray 154 Xildhibaan,waxaana ay ansixiyeen Xeerka Batroolka dalka oo ay muran horay uga keeneen Maamul goboleedyada dalka.

Waxaa ogolaatay meelmarinta sharcigan Batrolka,150 xildhibaan,waxaana diiday,4 mudane,sidaasi ayuuna ansax ku noqday,sida uu ku dhawaaqay guddoonka Golaha Shacabka.

Xukuumadda Soomaaliya iyo Madaxda maamul goboleedyadda ayaa xiligan isku mari la’a awood qeybsiga Batroolka.