Somali News

Golaha Shacabka oo maanta cod u qaaday sharciga shirkadaha akhrinta koowaad-na marsiiyay sharciga Dakhliga dalka

Muqdisho-KNN-Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulankoodii 13-aad ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha shacabka Cabdiwali Sheikh Muudeey oo kulanka shir guddoominayey ayaa ugu horeyn wuxuu ka tacsiyadeeyay geeridii Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe).

Intaasi ka dib waxa ay xildhibaanada Akhrinta koowaad ay marsiiyeen Hindise Sharciyeedka Dakhliga oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda,waxaana golaha u akhriyay Wasiirka Maaliyadda Dalka Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Dhinaca kale Xildhibaanadda Golaha Shacabka waxa ay Akhrinta seddaxaad marsiiyeen Hindise Sharciyeedka Shirkadaha,waxaana xildhibaanadda u faah faahiyay Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beene beene oo ah guddoomiyaha guddiga Ganacsiga,Dhaqaalaha,Warshadaha iyo Maalgashiga ee Golaha Shacabka.

Xildhibaanadda ayaa cod u qaaday Hindise sharciyeedka Shirkadaha, waxaana u codeeyay 142-Xildhibaan oo ahaa tirada guud ee xildhibaanada kulanka joogay sida uu natiijada ku dhawaaqay kusimaha guddoomiyaha golaha shacabka ahna guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Cabdiwali Sheikh Ibraahim Muudey oo kulanka soo xiray.