Somali News

Golaha Wakiilada Puntland oo doortay Guddoon cusub

Xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa loo doortay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamanka Puntland shanta sano ee soo socota kadib markii ay tanaasuleen Musharrixiintii ula gudbi lahaa Wareegga labaad.

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Wakiilada Puntland mudane Xasan Cabdalla Xasan oo si rasmi ah ugu dhawaaqay Natiijada Wareega Kowaad ee Doorashada ayaa shaaciyay in mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid uu ku guulaystay Guddoomiyaha cusub.

Guddoomiye Cabdirisaaq ayaa Wareegii kowaad ee Doorashada ka helay 37 cod halka Musharrixiintii ku soo xigay ee Mursal Maxamuud Cabdi iyo Maxamed Faarax Maxamed Gabyo oo helay min 10 cod kadibna ka tanaasuleen Wareegga labaad ee Doorashada.

Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Puntland mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa isna ku haray Wareega Kowaad ee Doorashada Guddoonka kadib markii uu helay 8 cod oo keliya.

Dhinaca kale, Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada Puntland ayaa loo doortay Maxamed Baarri Shire oo kamid ah Xildhibaannada laga soo doorto Gobolka Bari.