Somali News

Golaha wasiirada oo maanta go’aamiyay in la tirakoobo ajaanibta dalka ku sugan

Muqdisho-KNN-Kulankii khamiis laha ahaa ee golaha wasiirada Soomaaliya oo uu gudoominayay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta waxaa laga soo saaray go’aan lagu tirakoobayo ajaanibta ku dhaqan gudaha dalka.

Wasiiru dowldaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Cabdullaahi Xaamud Maxamed oo kulanka warbaahinta uga warbixiyay, ayaa waxa uu sheegay in golaha wasiiradu ay go’aamiyeen in si rasmi ah loo tirakoobo dadka aan Soomaalida aheyn ee gudaha dalka ku sugan, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar guddi uu hogaaminayo ayaana arintaa loo xil saaray.

Ajanabi badan ayaa ku sugan gudaha Soomaaliya, kuwaa oo diiwaan rasmi ah aan ugu qoreyn dowladda, dhibaato badan ayayna dalka uhorseedaan, sida ay aaminsanyihiin dadka socdaalka wax ka yaqaan.