Somali News

Golaha Wasiirrada oo kulan deg deg ah la isugu yeeray

Kulan deg deg ah ayaa beri waxaa yeelanaya Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya kaasi oo go’aan adag looga soo saarayo heshiiska la sheegay inuu maanta ku dhexmaray Magaalada Addis Ababa Dowlada Itoobiya iyo Maamulka Somaliland.

Bulshada Soomaaliyeed ayaa ka dhursugaya go,aanka ay Xukuumadda Soomaaliya ka qaadanayso heshiiska ka dhacay Addis-ababa.

Soomaaliland ayaa maanta qeyb kamid ah Badda Cas ku wareejisay Itoobiya kaasi oo aan kiro ahayn.

Dad badan ayaa go,aanka fudud oo ay Soomaaliland qaadatay aragtiyo kala duwam ka dhiibtay, waxa uuna ku soo aaday kaddib markii maalma ka hor Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland ku hwshiiyeen wadahadallada labada dhinac in lasii ambaqaado.