Somali News

Golaha Wasiirrda Somaaliland oo kulan Deg-Deg ah ka yeeshay arimaha Soomaliya iyo Somaaliland

Hargeysa-KNN-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somaaliland ayaa kulan aan caadi aheyn oo looga arinsanayo arimaha Soomaaliya iyo Somaaliland waxa ay maanta ku yeesheen magaalada Hargeysa.

Kulankaas ayaa waxaa shir guddoominayey Madaxweynaha Somaaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaana kasoo qeyb galay Madaxweyne ku-xigeenka iyo dhamaan Golaha Wasiirrada somaaliland, waxaana la sheegay in lagu lafa guray arimaha Siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Somaaliland oo ay ugu dambeysay Markabkii Xoolaha ka dhoofiyey Berbera ee lagu xanibay dekedaha Sucuudiga, kaddib markii laga waayey Warqadda caafimaadka ee Wasaaradda xannaanada Xoolaha Federaalka.

Golaha Xukuumadda Somaaliland ayaa kulankooda maanta ka sheegay in ay cambaareynayaan cuna qabateyn ay sheegeen in ay ku heyso Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Somaaliland Waxa ay sheegtay in Sucuudigu uu ku gacan seyray Soomaaliya ayna fasaxeen Xoolaha ka dhoofa dekedaha Somaaliland, iyaga oo dhowraya xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya Somaaliland iyo Sucuudiga, Iyagoo nasiib darro ku tilmaamay in Xukuumadda Soomaaliya ay ku mana sheegato in ogolaansheheeda lagu fasaxay Xoolihii ku xanibnaay dekedda magaalada Jidda ee dalka Sucuudiga.

Ugu bambeyntii kulka oo warbixino looga dhageystay Wasiirro dhowr ah oo ka tirsan Xukuumadda Somaaliland, ayaa lagu go’aamiyey in la raadiyo Suuqyo cusub oo loo iib geeyo xoolaha nool ee laga dhoofiyo dekedaha Somaaliland, sidoo kalana lasii xoojiyo xiriiradii hore.