Somali News

Golaha Waxbarashada gaarka ah ee Soomaaliya oo maanta lagu dhawaaqay

Waxaa maanta oo Talaado ah magaalada Muqdisho looga dhawaaqay Golaha Waxbarashada gaarka ah ee Soomaaliya.

Golahaan ayaa waxaa ku mideysan Dalladaha Waxbarashada gaarka ee ka shaqeeya dalka iyo Aqoonyahano Soomaaliyeed.

Xafladda ku dhawaaqista waxaa ka qeyb galay madaxda dalladaha Waxbarashada, Xubno ka socday dowladda Federaalka Soomaaliya, Macalimiin, Waalidiin, Aqoonyahano mudo dheer ka soo shaqeynaayay waxbarashada dalka iyo masuuliyiin ka socday bahda Waxbarashada.

Ujeedka loo aas aasay Golahaan ah sidii loo mideyn lahaa waxbarashada dalka iyo xoojinta midnimada bahda Waxbarashada.

Aweys Sheekh Maxamed oo ah guddoomiye ku xigeenka Golaha Waxbarashada gaarka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in golahaan uu noqon doono mid guuleysta oo shacabka Soomaaliyeed ay ku farxaan.

Keyse Mayow Abul Xuseen oo ah guddoomiyaha Golaha ayaa sheegay in baahi timid loo aas aasay Golaha Waxbarashada gaarka ah ee Soomaaliya, sidoo kalena ay ka shaqeynaya horumarinta waxbarashada dalka.

Ujeedooyinka ugu waa weyn ee loo aas aasay Golaha ayuu ku sheegay qodobada soo socda.

  1. In bahda Waxbarashada gaarka ah ay ku kala warqaataan oo golle loo dhan yahay uu noqdo.
  2. In Golaha uu ka shaqeeyo sidii bahda waxbarashada gaarka ah xuquuqda ka maqan loo heli lahaa, kawa lagu leeyahayna ay si wanaagsan u gutaan.
  3. Golaha wuxuu ilaalinaya midnimada bahda waxbarashada gaarka ah.
  4. Golaha wuxuu dib u abuuraya waxbarashada gaarka ah oo mideysan, horumarsan, tayaysan, lehna hal ujeedo iyo in laga gudbo caqabdaha heysta bahda waxbarashada.
  5. Golaha wuxuu u furan yahay dhamaan bahda waxbarashada gaarka ah ee Soomaaliya, mana jirto cid si gaar ah u leh.
  6. Golaha wuxuu ka shaqeynaya sidii loo soo saari lahaa aqoonyahano sii wada halganka waxbarashada dalka.
  7. Golaha wuxuu ka hortagaya shaqsiyaadka sanadihii dambe qaska ka dhex waday bahda waxbarashada dalka.
  8. Golaha Waxbarashada gaarka ah ee Soomaaliya wuxuu qeyb weyn ka qaadanaya horumarinta macalimiinta iyo latashiyo badan inuu la sameeyo dhamaan aqoonyahanada.

Ugu dambeyn Masuuliyiintii ka hadashay xafladda ayaa soo dhaweeyay Golaha Waxbarashada gaarka ah ee Soomaaliya, iyaga oo ka dalbaday madaxda Wasaaradda Waxbarashada wada shaqeyn.