Somali News

Goob loo tegay in lagu aaso hal qof, balse lagu aasay 25-qof (Akhriso)

Booliska dalka Hindiya ayaa xiray dhowr qof oo loo heysto mas’uuliyadda musiibo ka dhacday magaalada Muradnagar ee gobolka Uttar Pradesh kaddib, taasoo ay ku geeriyoodeen 25 ruux.

Dadka dhintay ayaa ku sugnaa goob qabuuro ah oo ay uga qeyb galayeen aaska meydka nin lagu magacaabi jiray Jarayam, oo xanuun aan la shaacinin waxa uu yahay u geeriyooday maalintii Axadda.

Ka qeyb galeyaasha ayaa dabcan u badnaa qaraabada, asxaabta iyo dadkii dariska la ahaa ninka dhintay.

Isku darka dad kor u dhaafaya 100 qof ayaa ku sugnaa goobta duco dhaqameedka loogu sameynayay meydka.

Markii ducada la dhammeeyay ayuu wadaadkii dhammaan dadkii isugu yimid halkaas ka socdasay in ay ku soo goobta uu meydka yaallay si ay u sameeyaan aamusnaan labo daqiiqo ah “oo lagu qaddarinayo qofka geeriyooday”.

Hase yeeshee, nasiib darro waxaa markii uu qof walba halkaas soo istaagay mar qura soo dumay saqafkii kore ee dhismaha, halkaas oo uu khasaare xoog leh ka dhashay. Murugadii geerida halka qof ayaa waji kale yeelatay.

In kastoo dadka qaar ay dirqi ku baxsadeen haddana intii kale waxay u qeybsameen wax dhintay iyo wax dhaawacmay. Qaarkood waxay durbadiiba ku aasmeen burburka dhismaha.

Sidaas awgeed meeshii loo tagay in hal qof lagu aaso ayaa lagu aasay 25 ruux, halka dad kalena isbitaallada lagu daweynayo.

BBC