Somali News

Goodax Barre “waxaan heysanaa awood Saacad kasta aan ku jooji karno Baraha Bulshada”

Muqdisho-KNN-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre oo maanta warbaahinta lahadlay ayaa ka hadlay arimo la xiriira Imtixaanka iyo war ku saabsan hakin la sheegay in lagu sameynayo Baraha ay Bulshadu ay ku xariirto oo hadal heyn badan dhalisay.

Wasiirka oo hadalkiisa ku bilaabay qaabka uu u bilaawday Imtixaanka ayaa rijo wanaagsan ka muujiyay in imtixaanku uu ku soo dhamaado sidii loogu tala galay, waxa uu sheegay in gabi ahaanba goobaha looga fariirstay saakay uu toos ula xariiray howshuna ay u socoto sidii loogu tala galay.

Dhamaan goobaha lagu galayo imtixaanka ayuu sheegay in Wasaaradu ay u dirtay kormeerayaal sida Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda, Wasiiru-dowlihii, xubno sarsare oo ka tirsan Wasaaradda iyo Xildhibaano.

Mar uu soo hadal qaaday in la joojinayo baraha ay Bulshadu ku xariirto in uu socdo Imtixaanka, ayuu sheegay in Maxkamadda sare ee dalka ay u direen codsi ay ku dooneyso wasaaraddu in ay hesho awood ay ku xanibi karto Baraha ay Bulshadu ku xariirto ee Internet-ka.

Wasiir Goodax ayaa sheegay Maxkamaddu ay ka aqbashay codsigoodii hadii ay dareemaan qalqal ku aadan imtixaankana ay gabi ahaanba jooji nayaan isticmaalka Baraha ay Bulshadu ku xariirto, taasina uu uga mahadcelinayo Guddomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka.