Somali News

Guddi baara rabshadihii ka dhacay Baydhabo oo la magacaabay.

Baydhabo-KNN-Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdficasiis Lafta-gareen ayaa waxa uu magacaabay guddi xaqiiqa raadin ah oo baaritaan ku sameynaya dhibaatooyinkii ka dhacay Baydhabo.

Wareegto uu soo saaray madaxweynaha ayuu ku magacaabay Todobbo xubnood oo midi ay Haween tahay oo baara rabshadihii ka dhacay Baydhabo.