Somali News

Guddi ka socda Xuquuqda Aadanaha oo u kuurgalay xaaladda dad ku xiran Garoowe

Guddiga shuruucda iyo caddaaladda oo ay weheliyaan guddiga xuquuqda aadanaha, arrimaha qoyska iyo horumarinta Haweenka golaha wakiillada DPL, ayaa maanta u kuurgalay xaaladda eedaysanayasha ku xiran qaybta Police-ka Garoowe.

Guddiyada ka socda golaha wakiillada, oo kormeerka uu ku wehliyo xeer ilaaliyaha guud ee DPL, ayaa warbixin ka dhageystay taliyaha qaybta Police-ka gobolka Nugaal iyo taliyaha saldhigga Garoowe oo faah faahin ka siiyey shaqada saldhigga iyo eedaysanayaasha ku xidhan.

Sidoo kale, guddiyada ayaa booqday maxaabiista , iyagoo ka xog wareystay dambiyada lagu soo qabtay iyo sida loola dhaqmay muddada lagu hayo xabsiga.

Guddiyada ayaa su’aalo ka weydiiyey warbixinnada ay soo gudbiyeen masuuliyiinta qaybta amniga iyo saldhiggu, iyagoona kula dardaarmay in si waafaqsan dastuurka loola dhaqmo maxaabiista Maxkamad-na loo gudbiyo marka ay dhammaato shaqada dambi baaristu.