Somali News

Guddiga amniga ee golaha shacabka oo war ka soo saaray …

Muqdisho-KNN-Guddiga arimaha gudaha iyo amniga ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan la yeeshay wasiirka  amniga xukuumada Soomaaliya Xasan Xundubeey Jimcaale iyo wasiiru dowlaha wasaradaas.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa ayaa waxay ka wada hadleen labada dhinac xaalada amni ee dalka oo malamihii dambe weerarro ay ka dhacayeen, diyaar garowga sugidda amniga doorashooyinka, xoojinta wada shaqeynta labada dhinac iyo qodobo kale.

Xubnaha guddiga ayaa inta uu kulanka socday  su’aalo ku saabsan amniga guud ee dalka weydiiyay wasiirka amniga iyo mas’uuliyiintii la socotay ee wasaaradda amniga.

Guddoomiyaha guddiga arrimaha gudaha iyo amniga ee golaha shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdulle Faarax Geeseey ayaa kulanka kadib lahadlay warbaahinta . isagoo ka warbixiyey waxyabaha ay kawada haleen iyaga iyo mas’uuliyiinta wasaradda amniga Soomaaliya.

Hoos ka dhageyso codka xildhibaanka