Somali News

Guddiga Amniga Qaranka oo ka wada hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoomiyey Shirka Guddiga Amniga Qaran ayaa looga hadalay tallaaabooyinka loo qaaday xaqiijinta amniga caasimadda, dib u dhiska ciidamada, xoreynta deegaannada ay heystaan Al-shabaab.

Sidoo kale, shirka ayaa waxaa looga hadlay qorshaha Soomaaliya ee shir looga hadlayo amniga dalka oo ay wadajir u qabanayaan DFS, QM iyo Midowga Afrika.

Guddiga Amniga Qaranka oo warbixin ka dhageystay Taliyeyaasha Ciidamada ee ku saabsan howlgallada ka socda dalka.

Guddigu Amniga Qaranka ayaa bogaadiyay guulaha taariikhiga ah ee geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ay ka soo hoyeen furimaha dagaalka, gaar ahaan xoreynta deegaanno badan oo ka tirsan Mudug, Galguduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale, waxay adkeeyeen abaabulka iyo dhammeystirka wajiga 1-aad ee howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab.