Somali News

FEIT oo beenisay in ay fasixi rabtay kursiga Fahad Yaasiin ee Hop-86

Gudoomiyihii guddiga doorashada ee heer Federaal, Muuse Geelle Yuusuf, ayaa beeniyay warar sheegaya inay doonayaan inay fasaxaan kursiga muranka uu ka taagan yahay ee HOP86, kaasoo uu doorasho ka dhacday Beledweyne ku guulaystay taliyihii hore ee NISA, Fahad Yaasin.

Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kala diray guddiyada doorashada kadib markii ay soo idlaatay hawshii loo igmaday.

Muuse Geelle oo ahaa guddoomiyaha guddiga lakala diray ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan talaabada ra’iisal wasaaraha , wuxuna sheegay in ay sharci tahay in lakala diro maadaama ay howshoodii soo idlaatay.