Somali News

Guddiga Doorashada Somaliland oo sheegay in aysan xilligeeda ku qaban karin Doorashada Madaxweynaha

Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in aysan waqtigeeda ku qaban karin Doorashada Madaxweynaha ee la qorsheeyay in ay dhacdo 13-ka bisha November.

War murtiyeed ka soo baxay Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in farsamo iyo dhaqaale ahaan aysan diyaar u aheyn qabshada doorashada.

Sidoo kale, Guddiga ayaa sheegay in doorashada Madaxweynaha lagu qaban karo muddo 9 bilood ah oo ka bilaabaneysa 1-da bisha Oktoobar ee sanadkan si ay isugu diyaariyaan qabashada doorashada, taasi oo keeneysa in muddo kordhinta loo sameeyo Madaxweynaha Somaliland.

Khilaaf ka dhashay muranka Doorashada ayaa maalmahan, waxaana Mucaaradka ay dalbanayaan in Doorashada waqtigeeda lagu qabto.