Somali News

Guddiga Doorashayooyinka Qaranka oo maanta hortagay Aqalka Sare.

Muqdisho-KNN-Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo yarey) oo maanta guddigeedu uu hor tagay Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadashay arimaha doorashooyinka dalka oo guddigeedu uu ku howlanyahay.

Xaliimo yarey ayaa sheegtay in waxba kama jiraan uu yahay hadalka beryahaan dambe la isla dhexmarayay ee ahaa inay soo diyaariyeen sharciga doorashooyinka ee dhawaan ay meel mariyeen golaha Wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya,  islamarkaana aysan awood u laheyn yagleelidda sharci cusub.

Sharciga doorashooyinka ee dhawaan la meel mariyay ayay ku sheegtay inay diyaarisay Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya, iyagana sharcigaas latashi oo kaliya lagala sameeyay.

Xaliimo yarey ayaa sheegtay inaysan jirin doorashada soo socota Xildhibaan ay beeshiisa soo dooraneyso,  Xildhibaan walbana waxaa soo dooranaya dadka Soomaliyeed oo dhan, waa haddii uu ka diiwaan gashanyahay  Xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira, hadii uusan ku jirin Xisbi ayey sheegtay in siyaasigu uu san u tartami Karin Xildhibaannimo.