Somali News

Guddiga doorashooyinka Qaranka oo ka hadlay Caqabaha Haysta.

Muqdisho-KNN-Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa banaan ee qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa sheegtay in Baarlamaanka ay ka codsaneyso in Guddigooda loo dhiso meel ka duwan halka ay hadda ku shaqeeyaan.

Guddigan oo hadda ku shaqeeya gudaha madaxtooyada amni ahaan-na u wanaagsan ayaa waxa ay ku sheegtay dhibaato badan xiligan soo wajahday.

Sababta ayaa waxaa ay ku sheegtay in ay tahay dhib ka heysta la kulanka bulshada iyo qaar ka tirsan xisbiyada ka jira dalka.

Xaliimo Yarey ayaa intaa ku dartay in qorshahooda uu yahay helista Meel ay u wada siman yihiin dhammaan dadka ay la kulmayaan waqti waliba oo ammaankeedu hagaagsan yahay sida goobta ay ku shaqeeyaan oo kale.

Guddoomiye Xaliimo Yareey oo ka hadleysay arrimaha doorashooyinka ayaa meesha ka saartay in dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ay awood u leeyihiin inay iclaamiyaan xilliga rasmi ahaan ay dalka ka dhaceyso doorashooyinka.