Somali News

Guddiga joogtada ah ee golaha Aqalka Sare oo 3-qodob ka soo saaray shirka Dhuusamareeb

Muqdisho-KNN-Kulan ay maanta isugu yimaadeen xubnaha guddiga joogtada ah ee golaha Aqalka Sare ayaa lagu bogaadiyey war-mutiyeedkii shirkii Dhuusamareeb, waxayna ka soo saareen war-saxaafadeed ka kooban seddax qodob oo kala ah.

1 -Waxaan bogaadineynaa gogosha shacabka iyo dowlad goboleedka Galmudug ay u fidiyeen mas’uuliyiinta labada heer dowladeed, si ay uga wadahadlaan arrimaha masiiriga ah ee dalka.

2 -Waxaan ugu baaqeynaa mas’uuliyiinta labada heer dowladeed ee u madlan inay isugu tagaan shirka Dhuusamareeb-3,  in ay ka wadashaqeeyaan qabsoomidda shirkaas, ahmiyad gaar ahna siiyaan ka qeyb galkiisa.

3 – Waxaan u soo jeedineynaa anaga oo maanka ku heyna ahmiyadda uu shirkaasi u leeyahay umadda Soomaaliyeed xilligan kala guurka ah, in mas’uuliyiintu ay ka mira-dhaliyaan shirkaas, lagana soo saaro go’aano dhaxal-gal ah oo dalka ka samatabixinkara xaaladan kala guurka ah.