Somali News

Guddoomiyaha BFS oo dhiggiisa Turkiga kala hadlay iskaashiga labada dal

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Somalia Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Turkiga Mustafa Şentop.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa dhigiisa dalka Turkiga kala hadlay xiriirka saaxibtinimo ee Ka dhaxeeya labada baarlamaan iyo xoojinta iskaashiga walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dal.

Sidoo kale guddoomiye Sheikh Aadan Madoobe ayaa adkeeyay in la sii laba jibaari doono wada-shaqeynta labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Turkiga.