Somali News

Guddoomiyaha degmada Hodan oo qarax lagula eegtay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Qarax ayaa fiidnimadii Caawa waxa uu ka dhacay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay afaafka hore ee Dugsiga 21 October oo ku yaalla dhabarka Degmada Waaberi, waxa uuna ahaa miino la dhigay wadada dhinaceeda.

Guddoomiyaha degmada Hodan Cabdixakiin Dhagajuun ayaa la sheegay in qaraxu haleelay gaarigiisa oo goobta marayay, waxaana ka soo gaaray dhaawac.

Sidoo kale qaraxaasi, ayaa waxaa ku geeriyooday Labo ka mid ahaa Ilaalladii guddoomiyaha degmada Hodan Cabdixakiin Dhagajuun.

Saraakiisha Ammaanka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dhaawaca guddoomiyaha lagu dabiibayo mid ka mid ah Isbitaallada Muqdisho, inkasta oo aysan faahfaahin intaasi dhaafsan la wadaagin warbaahinta.

Wixii Kusoo Kordha Halkan Kala Soco InshaAllah………..