Somali News

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub u fadhisa Soomaaliya.

Muqdisho-KNN-Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare BFS Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Midowga Yurub u fadhisa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Tiina Intelmann iyo Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Alberto Vecchi.

Gudoomiyaha iyo Safiirka Midowga Yurub iyo Talyaaniga Waxay ka wada hadleen dhammaystirka howlaha Doorashooyinka ka socda Dalka iyo sidii doorashada Madaxwaynaha 10-aad ee JFS ay ugu qabsoomi lahayd jawi xasilan oo nabad ah

Midowga Yurub ayaa kacan weeyn ka geeysta Dib udhiska Dowladnimadda Soomaaliya iyo sidii Dowladda Soomaaliyeed looga taageri lahaa in ay Cageheedda ku istaagto.