Somali News

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Xubno kamid ah Beesha Caalamka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Safiirka Midowga Yurub Tiina Intelmann iyo danjiraha Taliyaaniga Alberto Vecchi.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay Arrimaha Doorashooyinka gaar ahaan Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado in ay dhacdo 15 bishaan May.

Sidoo kale, xubnahan ayaa Guddoomiyaha kala hadla mashariicda horumarineed ee Midowga Yurub ay ka fuliyaan Soomaaliya iyo sidii loo sii laba jibbaari lahaa.