Somali News

Guddoomiyaha Golasha Shacabka oo gaaray Xudur

Xudur-KNN-Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan, ayaa Maanta gaaray Magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool.

Mursal ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyay, Wasiirka Gaashaandhiga iyo kubno kale oo iskugu jira Wasiirro iyo Xildhibaano, waxeyna Xudur ugu tageen Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-green oo horay ugu sugnaa Magaalada Xudur.

Gudoomiye Mursal ayaa ujeeddada safarka uu ku tagay Xudur ku sheegay, in ay Bulshada halkaasi ku dhaqan u kuur galaan xaaladaha ay ku sugan yihiin, baahiyaha jirana ay wax ka qabanayaan.

Xudur oo ah magaalo madaxdii Gobolka Bakool iyo inta badan degmooyinka Gobolkaas ayaa go’doon ugu jira sanado badan Al-Shabaab, waxayna dadka ku nool wajahayaan caqabado dhanka nolosha ah maadaama aysan magaalooyinka gudaha ugali Karin waxyaabaha qutul duruuriga ah.