Somali News

Guddoomiyaha maxkamada sare ee Galmudug oo la magacaabay

Madaxweynaha dowladd goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa magacaabay guddoomiyaha maxkamada sare ee Galmudug.

Xilkaan ayaa waxaa loo magacaabay Cabdullaahi Maxamuud Gacal oo 45-sanno ee la soo dhaafay ka shaqaynayay howlaha la xiriira Garsoorka.

kulan gaar ah oo ka dhacay Madaxtooyadda Galmudug, kaasi oo ay Goobjoog ahaayeen Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa lagu dhaariyay guddoomiyaha maxkamada sare ee Galmudug.

Galmudug ayaa waxaa ay buuxsay tiirkii 3-aad ee hey’adaha dawladnimada oo baahi weyn loo qabay, iyadoo hore ay dhisnaayeen golaha fulinta iyo sharci dajinta maamulkaasi.