Somali News

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo digniin ka soo saaray hay’addo la magacaabay

Aqalk sare ee baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta soo saarey war saxaafadeed, kusaabsan digniinta ku dhaqanka shuruuc, iyo dhismaha hey’addo sharci darro ah oo aan soo marin aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

War saxaafadeedka ayuu goluhu ku sheegay iney si dhaw ula socdaan, isla markaana u diiwaan galiyeen dhamaan isku dayada, iyo wareegtooyinka lagu dhaqan galinayo shuruuc, laguna sameynayo hey’addo khilaafsan dastuurka KMG ah, kuwaasoo aan soo marin aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Golaha Aqalka Sare wuxuu ku war galinayaa digniintan dhammaan hey’adaha Dowladda Federaalka, dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, hey’adaha Bulshada Rayidka ah, iyo hey’adaha Caalamiga ah ee kaalmeeya Soomaaliya.

Guddoonka Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa wali usii jira hey’ad ahaan, balse muddo xileedkiisu wuxuu dhamaadey 27-kii December, 2020-kii.