Somali News

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo Warqad ogeysiis ah u diray Madaxweynaha Galmudug

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku war-geliyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor in isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo ay berito ku wajahan yahiin magaalada Dhuusamareeb.

Maadaama waxyaabaha khilaafka ka taagan yahay ee laga wada hadlayo ay ka mid tahay doorashada xildhibaanada kasoo jeeda Gobolada Woqooyi.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ku sugan inta badan madaxda ka qeyb galeysa shirka la filayo in uu dhexmaro madaxda dowlad goboleedyada iyo kuwa dowladda federaalka.

Waxaana galabta gaarey madaxweyne Farmajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble, iyadoo hore ay ugu sugnaayeen Madaxweyneyaasha Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle.

Hoos ka akhriso