Somali News

Guddoomiye Gobolka Banaadir oo ka hadlay bannaanbaxyada ka dhacay Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Yuusuf Jimcaale Madaale ayaa ka hadlay bannaanbaxyada maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee looga soo horjeeday Xariga Sarkaalka Sheegow.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dibad baxyadaasi ay sababeen khasaare u badan burburka waddooyinka iyo goobo ganacsi.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa shacabka ugu baaqay in ay is dajiyaan, isla markaasna Sarkaal Sheegow Axmed Cali uu helo doono caddaalad.

“Muwaadinka Soomaliyeed ee sababtiisa dibad-baxa loo sameynayay waxa uu ku jiraa gacanta dowladda ee kuma jiro gacan cadow” ayuu yiri Guddoomiye Madaale.