Somali News

Guddoomiye ku xigeenkii Wanllaweyn oo goor dhaw lagu dhex dilay gurigiisa

Wanllaweyn-KNN-Allaha u naxariistee guddoomiye ku xigeenkii maamulka iyo maaliyadda degmada Wanllaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose Maxamed Cabdullahi Koosto ayaa caawa lagu dhex dilay gurigiisa.

Weerar ku bilaawday rasaas, kadibna ay xigeen qaraxyo ayaa lagu qaaday guriga uu guddoomiye Koosto ka deganaa Wanllaweyn. Waxuuna goor dhaw u geeriyooday dhaawac daran oo ka soo gaaray.

Inta la xaqiijiyey Aabihii iyo xaaskiisii ayey dhaawacyo kala duwan ka soo gaaree weerarkaas, waxaana goobta ka baxsaday raggii fuliyey.

Illaa hadda lama oga cidda geysatay weerarkaas, mana jirto cid weli sheegatay mas’uuliyadiisa.

Wixii ka soo kordha kala soco KNN.