Somali News

Guddoomiye Mursal iyo safiirka Qatar ee Soomaaliya oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Gudoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta oo khamiis ah waxaa uu xafiiskiisa Ku qaabilay safiirka Dawladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Hassan Hamza Asad Hashem.

Gudoomiyaha iyo safiirka ayaa waxay kawada hadleen xoojinta iyo xiriirka barlamaanadda Qatar iyo Soomaaliya iyo sidii loo sii xoojinlahaa.

Safiirka dowlada Qatar u jooga Soomaaliya ayaa gudoomiyaha warbixin ka siiyay howlaha baaxadda leh ee ay Soomaaliya ka wadaan.

Gudoomiyaha golaha shacabka baaralamaanka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdi raxmaan ayaa dhankiisa bogaadiyay howlaha caawinta ee ay dowlada Qatar kawado Soomaaliya.

Dowlada Qatar ayaa ka mida dowladaha carabta ee taageera dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.