Somali News

Guddoomiye Mursal oo gudi xildhibaano ah u saaray in ay qeyb ka qaataan sii deynta Roobow

Muqdisho-KNN-Warar ay heshay KNN ayaa sheegaya in Maanta Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdi Raxmaan uu kulan La qaatay xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ee laga soo doortay deegaanada Koofur Galbeed Soomaaliya.

Guddoomiye Mursal ayaa xildhibaanada waxaa uu kala hadlay dhibaatada xilligan ka jirta deegaanada Koofur Galbeed Soomaaliya iyo sidii wax loogu qaban shacabka halkaasi Ku dhibaateysan.

Sidoo kale Guddoomiye Mursal ayaa la sheegay inuu xildhibaanada kala hadlay arinta wadaadka Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu mansuur, iyagoona isku afgartay in arintaasi si deg deg ah loo galo.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo goobjoog ka ahaa kulanka ayaa KNN waxaa ay u sheegeen in Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu magacaabay Gudi ka shaqeeya sidii loo sii deyn lahaa Mukhtaar Roobow, islamarkaana ay shir dib u heshiisiineed ka bilaabaan deegaanada Koofur Galbeed Soomaaliya.

Kulanka uu maanta la qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdi raxmaan xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa uu Ku soo aadaya xilli sanadkii tagay ee 2018-ka Wadaadka Sheekh Mukhtaar Roobow laga soo xiray Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay, islamarkaana la keenay Magaalada Muqdisho.