Somali News

Guddoomiyihii Beledweyne oo xilkii laga qaaday iyo Guddoomiye cusub oo loo magacaabay

Jowhar-KNN-Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee maamulka Hir-Shabelle Maxamed Cali Caadle ayaa xilkii ka qaaday guddomiyihii Magaalada Beledweyne, isagoona u magacaabay Guddoomiye cusub.

Duqii Beledweyne Khadar Xasan Afrax ayaa xilkii laga qaaday waxaana Xilkaasi loo magacaabay Safiyo Xasan Sheikh Cali Jimcaale.

Guddomiyaha cusub ee loo magacaabay magaalada Beledweyne Safiyo Xasan sheikh ayaa mar soo noqotay Guddoomiyaha Degmada Shibis ee Goballka Banaadir.

Hoos ka Akhriso warqada Xilkaqaadista iyo Magacaabista.