Somali News

Gudiga doorashooyinka Qaranka oo maanta shahaado guddoon siiyay xisbiyo badan

Muqdisho-KNN-Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa maanta Shahaadooyin waxaa uu guddoonsiiyay 7 xisbi oo cusub , kuwaasoo kusoo biiray xisbisyadda Siyaasadda ee dalka, waxaana maanta Xarunta Guddiga ku qaabilay Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka.

Xaliimo Ismaaciil Ibraahim Guddoomiyaha Gudiga doorashooyinka qaranka ayaa sheegtay in xisbiyadda cusub laga doonaayo in ay dardargaliyaan howlaha loo idmay, islamarkaana ay furtaan Xafiisyadooda.

Axsaabta Shahaadooyinka la siiyay ayaa waxaa ka mid ah xisbiga Awoodda Shacabka oo  uu hogaamiye ka yahay Thaabid Cabdi Maxamed Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir.

Gudoomiye kuxigeenkii hore ee gobalka Banaadir Cabdulaahi Cilmi Xaaji Ereg, oo hadana ah gudoomiyaha KMG ah ee Xisbiga Awooda Shacabka ayaa maanta ka gudoomay guddiga doorashooyinka Qaranka shahaadada xisbiga.