Somali News

Gudomiye Gacal oo fadhiyada golaha ka mamnuucay xildhibaan Cabdullahi Calasow

Dhuusamareeb-KNN-Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug Maxamed Nuur Gacal  ayaa maanta soo saaray warqad uu fadhiyada baarlamaanka uga mamnuucay xildhibaan ka tirsan golaha wakiillada Galmudug oo khilaaf culus uu kala dhaxeeyay.

Xildhibaanka uu guddoomiye Gacal fadhiyada golaha iyo gunadiiba ka mamnuucay waxaa lagu magacaabaa Cabdullahi Axmed Calasow, waxuuna ka mid ahaa musharaxiintii kula tartamay xilka uu hayo ee guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug.

“Fadhiyada iyo gunada kalfadhiga labaad ayaa laga joojiyey Xildhibaan Cabdullahi Axmed Calasow laga bilaabo 12-ka October 2020-ka, waana in cudurdaar rasmi ah uu usoo gudbiyo fadhiga koowaad ee golaha” ayaa lagu yiri qoraalkan uu ku saxiixanyahay guddoomiye Maxamed Nuur Gacal.