Somali News

Gudoomiyaha aqalka sare iyo Madaxweyne Deni oo Garoowe ku kulmay.

Garoowe-KNN-Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya, Mudane; Cabdi Xaashi C/llaahi, ayaa Maanta Magaalada garoowe kula kulmay Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntalnd, Siciid C/laahi Deni.

Mudane; Xaashi ayaa waxaa kulanka uu la qaatay Madaxweyne Siciid Deni ku wehliyay xubno ka tirsan wafdigii uu hoggaaminayay oo ka tirsan Goalayaasha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa ahaa soo dhoweyn iyo kala war qaadasho, waxaana markuu soo dhammaaday warbaahinta uga warbixiyay Senotar.;Mahdi Daahir Sheekh Nuur, isagoo sheegay in ay iyaga iyo Madaxweynaha iska waraysteen waxyaabo hoose oo ay ka mid yihiin wada shaqaynta Labada dhinac.

Mas’uuliyiinta ka socota Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi, ayaa Shalay gaaray Magaalada Garoowe, si ay ugu qeyb galaan Caleema-saarka Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland, Siciid C/llaahi Deni iyo ku xigeenkiisa oo dhowaan la doortay.