Somali News

Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo qoys la dulmiyay u ballanqaaday cadaalad

Muqdisho-KNN-Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa  Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa ku qaabilay xafiiskiisa qoys danyar ah oo gurigooda si xoog ah loogala wareegay.

Qoyskan ayaa waxaa gurigoodii  kala wareegay  dad u awood sheegtay, balse arintaa markii ay  gaartay xafiiska gudoomiyaha gobolka jawaab ayuu ka bixiyay, oo xaaladda ayuu soo faragaliyay,  gurigoodiina dib ayaa loogu soo celiyay

Gudoomiyaha gobolka oo dhageystay cabashada qoyskan ayaa u xaqiijiyey in gurigooda aysan cidna xoog uga saari karin una ballanqaaday in loo dayactirayo gurigooda, sidoo kalana waxa uu ubalan qaaday in amnigooda ay sugayaan maamulka degmada xamar weyne inta ay socoto baaritaanada lagu hayo kooxda isku dayday in ay  guriga la wareejigaan.