Somali News

Gudoomiyaha Gollaha Shacabka oo la kulmay Guddiga madax-banaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa waxaa uu la kulmay Guddiga madax-banaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa.

Guddiga ayaa Guddoomiyaha la wadaagay warbxin ku aaddan shaqooyinkii ay soo qabteen waxa ayna baarlamaanka ka codsadeen in lagala shaqeeyo la dagaalanka musuqmaasuqa, sidoo kale waxay sheegeen in Golaha Aqalka sare loo gudbiyo si loo meelmariyo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa soo dhoweeyay shaqada guddigan islamarkaana sheegay in lagu gacan siin doono  sidii shaqadooda ay u qabsan la haayeen.