Somali News

Gudoomiye degmo oo caawa lagu weeraray Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Koox hubeysan ayaa caawa Bambo gacmeed ku weeraray hoyga uu muqdisho ka degan yahay Mid ka mid gudoomiyaasha Degmooyinka Gobalka Banaadir.

Gudoomiyaha la weeraray ayaa waxaa lagu magacaabaa Maxamed Abuukar Jacfar, waana Gudoomiyaha Degmada Deyniile, waxaa uuna weerarka ka dhacay isgooska dabka ee magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay 1 qofka ayaa ku dhintay, halka 2 kalana ay ku dhaawacmeen, kadib markii weerar lagu qaaday hoyga Gudoomiyaha degmada Deyniile.

Ma jiraan Cid loo soo qabtay weerarka ka dhacay hoyga Gudoomiyaha degmada Deyniile.