Somali News

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Galmudug oo la doortay

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Galmudug ayaa loo doortay Faadumo Cabdi Cali waxayna tartanka kaga adkaatay musharixii keliya ee la tartamayay.

Maxamed Axmed Maalin ayaa helay 41 cod wuxuuna sidaas uga haray tartank kadib markii ay Faadumo Cabdi Cali ay heshay 47 cod. Labada musharax ayaa ku kala baxay 6 cod wareegii 1-aad ee doorashadda.

Doorashadda guddoonka baarlamaanka Galmudug oo aad loo sugayay ayaa lasoo gabagabeeyay, waxaana hogaanka la doortay uu saadaal ka bixinaya sida ay u ekeen doonto.

Gudomoomiyaha baarlamaanka ayaa loo doortay Dr. Maxamed Nuur Gacal oo helay 54, guddoomiye ku xigeenka koowaad ayaa loo doortay Cabullahi Xirsi Maxamed oo helay 59 cod.

Maalmaha soo socda ayaa la dooran doonaa Madaxweynaha Maamulka Galmudug.