Somali News

Gudoomiye Shuute oo Sheegay in Daacish ay ka helis badan yihiin Al-Shabaabka

Muqdisho-KNN-Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay mar uu hadlay in sanadka la soo dhaafay kiisaska ugu badnaa ee la keenay maxkmaddu ay yihiin kuwa ku saabsan shabaab iyo daacish islamarkaana ay go,aan ka gaartay maxkamaddu.

Mr shuute ayaa shaaciyay in daacish ay ka halis badanyihiin marka loo eego al-shabaab sababta arintaasi keentay ayuu ku micneeyay inay tahay in daacish ay iskugu mid tahay shacabka soomaaliyeed ee aan waxba galabsan iyo al-shabaab ayna banaantahay daadinta dhiigooda sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiyaha maxkamadda ciidmada qalabka sida ee dowladda soomaaliya xasan cali nuur shuute ayaa dhanka kale ugu baaqay ciidamada qalabka sida ee dowladda soomaaliya inay dhowraan shacabkooda ayna ka daayaan dhibaatada ay u geysanayaan haddaysan sidaa dhicinna ay muteysan doonaan cawaaqib xun.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda soomaaliya ayaa qaadda badanaa xakunada lagu rido ciidamada kamid ah dowladda soomaaliya iyo rag lagu eedeeyo inay ka tirsanyihiin al-shabaab iyo daacish.