Somali News

Gudoomiye Tuulax oo maanta faahfaahin ka bixiyay dilalka ka dhacay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Tuulax oo Maanta warbaahinta kula ka hadlay Daljirka daahsoon ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay dilalkii ugu dambeeyay ee Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Waxaa uu sheegay gudoomiyaha in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay Taaladda Daljirka Daahsoon ku dilen Nin ka tirsanaa Al-shabaab,kaasi oo isku dayay in uu dilo Askari ka tirsan Ciidanka Booliska oo waqtigaasi joogay goobtaasi.

Gudoomiye Tuulax ayaa waxaa uu u mahadceliyay Ciidanka Booliska iyo askarigii dilay Ninka hubeysnaa  oo watay Bastoolad iyo Shacabkii ka qeyb qaatay in la qabto Ninkaasi.

Sidoo kale Gudoomiye Tuulax ayaa sheegay in la xiray qaar kamid ah dad la sheegay inay aqoonsadeen Ninka la dilay,isla markaana ay baaritaano wadaan.