Somali News

Gudoomiye waaxeed lagu dilay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Koox hubeysan ayaa caawa waxaa ay Gudoomiye waaxeed ku dileen Degmada Warta Nabada Ee Magaaladda Muqdisho.

Gudoomiye waaxeedka la dilay ayaa waxaa uu maamulayay waaxda sedaxaad ee Degmada Warta Nabada.

Marxuunka la dilay ayaa magaciisa lagu soo koobay Abuukarey, sida KNN u sheegeen dadka Deegaanka.

Kooxda dilka geysatay ayaa goobta ka baxsaday.

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa tagay goobta uu dilka ka dhacay, waxaa ayna hada sameynayaan baaritaano.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilalka qorsheysan oo geystaan koox bistoolad ku hubeysan.