Somali News

Gudoomiye Yariisow oo Gudoomiye cusub u magacaabay degmada Cabdicasiis.

Muqdisho-KNN-Wareegto ka soo baxday xafiiska Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa maanta guddoomiye Cusub u Magacaabay Degmada Cabdicasiis.

Guddoomiye Yariisow ayaa Wareegto kasoo baxday Xafiiskiisa ayuu  Guddoomiyaha degmada Cabdicasiis ugu magacaabay  Ismaaciil Muqtaar Cumaar (Oronjo).

Maamulka Gobalka Banaadir ayaa mudooyinkii dambe waxaa uu magacaabayay Gudoomiyaal Cusub.