Somali News

Gudoomiyaha B/Puntland oo maanta qabtay mooshin cusub

Garoowe-KNN-Xubnaha golaha Barlamaanka Puntland, ayaa maanta waxa ay gudbiyeen mooshin ka dhan ah shirkad Imaaraadka laga leeyahay oo  kal hore la sheegay in ay dhiseyso dekadda magaalada Boosaaso.

Mooshinkan ayaa waxaa aqbalay gudoomiyaha Barlmaanka Puntland, xildhibaanada mooshinkan keenay ayaana ku eedeeyay in aysan shirkadani  wax isbadal ah ku sameyn dekadda Boosaaso.

Shirkadda mooshinka laga keenay ayaa waxaa lagu magacaabaa P&O waxa ayna hoos tagtaa shirkadda DP WORLD oo ah shirkad ka shaqaysa arrimaha dekadaha oo mar sii horeysay la wareegtay maamulka marsada Boosaaso.