Somali News

Hadal jeedinta Musharaxiinta Madaxweynaha Hirshabelle oo ka bilaabanaysa Jowhar.

Qaar ka mid ah musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha  maamulka Hirshabelle iyo xigenkiisa  ayaa maanta lagu wadaa in ay khudbad u jeediyaan xildhibaannada cusub ee baarlamaanka maamulkaasi.

Qaban qaabada munaasabada hadal jeedinta ayaa haatan waxaa ay ka soconaysaa magaalada Jowhar ee gobolka shabeellada Dhexe.

Guddiga Doorashada ayaa  shalay  diiwaan-galiyay musharixiinta xilka madaxweynaha u tartamaya oo kala ah  Cali Cabdullaahi Xusseen Guudlaawe iyo Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan , halka madaxweyne ku-xigeenna ay isku soo taageen Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo Maxamed Maxamuud Cabdulle [Maxamed Dheere]

11 bishan November, oo ku beggan maalinta Arbacada ee toddobaadkan aynu ku jirno ayaa lagu waddaa in magaalada Jowhar ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.