Somali News

Hargeysa: Khasaare ka dhashay gadood ay sameeyeen taageerayaal careysan

Cayaar ka tirsan afar-dhammaadka Koobka Somaliland oo u dhaxaysay gobollada Hawd iyo Daad-madheedh ayaa  ku soo idlaatay natiijo la’aan, garoonka Hargeysa, kaddib muran ka dhashay gool-ku-laad.

Wasaaradda Cayaaraha oo iyadu soo Agaasintay ciyaarahan ayaa sheegtay in ay iyadu natiijada soo sheegi doonto .

Labada xul oo 120 daqiiqo ku dhammaystay barbarro 0-0 ah, ayaa rikoorayaal loo dhigey, Gool-ku-laad kamid ah ayaana muran dhaliyey.

Rabshado ka dhashay ciyaarta ayaa waxaa lagu soo warramayaa in ay ku dhaawacmeen 12 ruux oo ah shacabkii u soo daawasha tagey garoonka.

Waddooyinka ka baxa Garoonka Hargeysa Stadium iyo kuw soo gala ayaa waxaa isugu soo baxay  dad shaacb ah oo farabadan, kuwaasi oo ah taageerayaasha labada koox iyadoo ciidamada Amnigu ay kala eryayeen dadkaasi.

.