Somali News

Haween loo xiray Qarax Xalay ka dhacay Beladweyne

Beladweyne-KNN-Laba qof oo dumar ayaa loo xiray Qarax Xalay ka dhacay Magaalada Beladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan kaas oo la dhigay Guriga Taliyaha Ciidanka Asluubta ee Gobolkaasi Hiiraan .

Qaraxa ayaa la sheegay in lagu soo raray  Mooto Bajaaj, waxaana la dhigay Iridda Guriga taliyaha Ciidanka Asluubta Gobolka Hiiraan.

Sarkaal katirsan Booliiska Gobolka Hiiraan ayaa warbaahinta u sheegay in laba qof Dumar ah loo xiray kuwaas oo guriga katirsanaa sida uu hadalka uu dhigay.