Somali News

Heshiis laga gaarey xiisaddii wadamada Khaliijka iyo dalka Qadar

Hoggaamiyayaasha Khaliijka ayaa kala saxiixday heshiis ‘Midnimo iyo Xasilooni’ si ay u soo afjaraan khilaafkooda diblomaasiyadeed ee saddexda sanno  jiray.

Shir madaxeed ay ku yeesheen Sacuudi Carabiya madaxda khaliijka iyo Amiirka dalka Qadar ayay kaga arrinsadeen sidii loo soo afjari lahaa khilaafkan diblumaasiyadeed ee ka dhex oognaa wadamadan

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudi Careebiya, Maxamed Bin Salmaan ayaa sheegay in meel fiican marayaan wadahadalan isla markaana ay guul ku soo dhammaan doonaan.

Qaar kamid ah dowladaha khaliijka Carabta oo uu hoggaaminayo Sacuudiga ayaa xanibaada kala duwan ku soo rogay dalka Qadar iyagoona ku eedeeyay in ay ‘taageerto Argagixisada’.