Somali News

Heshiis lagu gaaray shirkii Baydhaba iyo shir loo iclaamiyey madaxda

Baydhaba-KNN-Guddiga Farsamada ee ka socday dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee ku shiray Baydhabo ayaa shaaciyay in xal laga gaaray qodobadii la isku hayay ee caqabada ku ahaa hirgelinta doorashada.

Illaa Shan qodob oo kala ahaa Arrinta Guddiga doorashada ee lagu muransanaa, Arrinta Somaliland iyo Xaalada Gobolka Gedo ayay sheegeen in xal laga gaaray, inkastoo aanay faah faahin qaabka xalka uga gaareen, iyagoo ku gaabsaday inay Madaxda la wadaageen.

Waxaa ay soo jeediyeen in shir isugu yimaadaan Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 18 bishan, balse ma aanay sheegin goobta lagu shiri doono.

Xubnaha guddigan oo ka kooban 14 qof, isla markaana kala metelaya dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay ku shirsanaa magaalada Baydhaba, waxaana loo xil saaray inay kasoo tala bixiyaan qodobada sababay khilaafka doorashada ee madaxdu isku mari waayeen.